Abuu Maansuur oo dilkii Nabadoon Xooshoow ku riixay Indhacadde
Mogadishu 14 October /2008 Waagacusub.com
Afhayeenka Shabaabka Caalamiga ee Somalia Mukhtaar Rooboow Cali { Abuu Maansuur} ayaa dilkii Nabadoon ,Marxuum Xersi Dacar Xooshoow ku riixay Xoghayaha gaashaandhiga Isbaheysiga dib u xoreynta Somalia,garabka Asmara Yusuf Mohamed Siyaad { Indhacadde)
Yusuf Indhacadde Maalintii la dilayay Nabadoon Xooshoow wuxuu habeenkeedii joogay Beledweyne,waana la wada ogyahay,kadibna wuxuu maleegay dilkiisa,isagoo ka faa-iideysanayo hadalkiisii BBC Somali ee aniga uu igu cambaareeyay"sidaas waxaa yiri Mukhtaar Rooboow Cali oo dad xigtada Nabadoonka kula hadlay Telephone.
Mukhtaar Rooboow oo aan la ogayn waxa uu kala jeedo eedeynta uu Indhacadde dusha kaga tuuray ayey hadana dad badan u arkaan inuu kaga baxsanayo hanjabaado ay rag uu Xooshoow adeer u yahay ku hanjabeen inay Abuu Maansuur uga aamusi doonin tilaabada uu ku qaarijiyay Gudoomiyaha golayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.
Yusuf Indhacadde waa la xaqiijiyay inuu marka la dilayay Nabadoonka Beledweyne joogay hasse yeeshee war laga helay Shirkadaha Isgaarsiinta Koofurta Somalia ayaa qaarkood bixiyay cod cadeeynayo in Mukhtaar Rooboow lahaa amarka lagu dilay Nabadoonka Hawiye.
Gudoomiyaha Maxaakiimta gobolka Hiiraan ayaa Warbaahinta u sheegay inay qabteen nin lagu tuhmayo inuu yahay midkii gacantiisa ku dilay Nabadoon Xooshoow.
No comments:
Post a Comment