Tuesday, October 14, 2008

Abuu Mansuur Roobow oo ku ee deyey Indho cade

http://www.waagacusub.com

Abuu Maansuur oo dilkii Nabadoon Xooshoow ku riixay Indhacadde

Mogadishu 14 October /2008 Waagacusub.com

Afhayeenka Shabaabka Caalamiga ee Somalia Mukhtaar Rooboow Cali { Abuu Maansuur} ayaa dilkii Nabadoon ,Marxuum Xersi Dacar Xooshoow ku riixay Xoghayaha gaashaandhiga Isbaheysiga dib u xoreynta Somalia,garabka Asmara Yusuf Mohamed Siyaad { Indhacadde)

Yusuf Indhacadde Maalintii la dilayay Nabadoon Xooshoow wuxuu habeenkeedii joogay Beledweyne,waana la wada ogyahay,kadibna wuxuu maleegay dilkiisa,isagoo ka faa-iideysanayo hadalkiisii BBC Somali ee aniga uu igu cambaareeyay"sidaas waxaa yiri Mukhtaar Rooboow Cali oo dad xigtada Nabadoonka kula hadlay Telephone.

Mukhtaar Rooboow oo aan la ogayn waxa uu kala jeedo eedeynta  uu Indhacadde dusha kaga tuuray ayey hadana dad badan u arkaan inuu kaga baxsanayo hanjabaado ay rag uu Xooshoow adeer u yahay ku hanjabeen inay Abuu Maansuur uga aamusi doonin tilaabada uu ku qaarijiyay Gudoomiyaha golayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.

Yusuf Indhacadde waa la xaqiijiyay inuu marka la dilayay Nabadoonka Beledweyne joogay hasse yeeshee war laga helay Shirkadaha Isgaarsiinta Koofurta Somalia ayaa qaarkood bixiyay cod cadeeynayo in Mukhtaar Rooboow lahaa amarka lagu dilay Nabadoonka Hawiye.

Gudoomiyaha Maxaakiimta gobolka Hiiraan ayaa Warbaahinta u sheegay inay qabteen nin lagu tuhmayo inuu yahay midkii gacantiisa ku dilay Nabadoon Xooshoow.

Tuesday, October 7, 2008

Howshii ugu dambeysay ee uu qabtay Dacar xersi

Hiiraan Blog.
Howshii ugu dambeysay ee uu qabtay Dacar xersi xooshow, Dacar waxaa qofka u taagnaa qabashada howlaha aan ku gargaareyso Hiiraan.
Talaado, October 07, 2008(HiiraanOnLine): Deegaanka Buundo-madow oo ka tirsan Deegaanka Baar-gadiid ee Gobalka Hiiraan waxaa uu y ka mid yahay deegaannada ay ku nool yihiin Qoysas ku soo Xoolo beelay Abaaro ku dhuftay qeybo ka mid ah dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya kuwaasoo soo maciin-biday in ay ka helaan Gobalka Hiiraan nolal ka duwan tan ay uga soo carareen deegaannadii ay markii hore ku noolaayeen.
---------------------------------------------------------------------------------------------------

TACSIDII DACAR XIRSI XOOSHOW GOLAHA GUURTADA


Hiiraan Blog.

Waxaa maanta oo ay tahay 7.10.2007 lagu dilay B/wey Hiiraan Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow oo ahaa gudoomiyaha golaha guurtada iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee gobalka Hiiraan.

Marxuun dacar wuxuu ahaa Qof u taagnaa kaamada dadka Soomaaliyeed ee tabaleysan sidoo kale qof aragti dheer.
DACAR XIRSI aad ayaan u tabeynaa hadii aan nahay Jaaliyyadaha reer Hiiraan.
Sabar iyo imaan alaha naga siiyo dhamaanteen Soomaaliweyn.