Tuesday, August 25, 2009

DAGAALO MAANTA KA DHACAY SIIGAALOW




DAGAALO KHARAAR OO MAANTA KA DHACAY DEGAANKA SIIGAALOW EE DEGMADA BELEDWEYNE.

 

Dagaalkan oo ay saakay waaberigii ku qaadeen AL-SHABAAB qaar ka mid ahaa ciidamadii dowladda halkaas dhufeysyo ka sameytay, ayaa waxa waxa uu socday muddo saacado ah, waxana ay waxyeelada dagaakaas inteeda badan soo gaartay dadweynaha caadiga ahaa ee degganaa dagaanka Siigaalow.

 

Khasaaraha dagaalkan ayaa waxa ii xaqiijyay oday dhaqameed deggan goobta uu ka dhashay dagaalka, waxana uu ku sheegay in ilaa 6 qofood ay ka dhinteen xarakada AL-SHABAAB halka uu hal qof kaga dhaawacmay ciidankaas dowladda ee halkaas difaaca uga jiray.

 

Odaygu waxa uu intaa iigu daray in dad gaaraya ilaa 10 qofood oo shacabka ah ay ku dhaawacmeen dagaalkaas, gaar ahaaan dumar iyo caruur farabadan ay hadda la ildaran yihiin dhaawaca ka soo gaaray dagaalkaas.

 

Guud ahaan Gobolka Hiiraan ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa sabeynayay xaaladdiisa nagadgelyo, gaar ahaan magaalda Beledweyne, waliba xilliyada habeenkii ah ayaa waxa la maqlayaa dhawaqa rasaasta noocyaheeda kala duwan, iyo waliba qaraxa Bumbaanooyinka gacanta laga tuuro, middii ugu dambeysayna waxay ahayd tii xalayto lagu tuuray guriga Guddoomiyihi hore ee demada Beledewyne Aadan Garaaso, halkaasoo ay ku dhaawacmeen dad gaaraya illaa 6 qofood.

 

Dhanka kale, waxa jira cabsi weyn iyo walaac ay dadweynihu ka muujinayaan xaalladdan nabadgelyo xumo iyo waliba dagalada hadda laysu middiyo afeysanayo, waxana jira ciidamo Ethiopian ah oo ku sugan KM115 oo ay tashiyo halkaas kula leeyihiin saraakiisha dowlada ee halkan joogta, sidii ay guluf colaadeed ugu qadi lahaayeen kooxaha ALSHABAAB oo ka taliya inta badan degaanada Gobolka Hiiraan.

 

Ayadoo hadda la guda galay bishii barakaysan ee Ramadaaan, ayaa dadku waxay ku adkeysanayaan inaysan meelna u qaxin oo ay joogaan gudaha magaalada waayo waxay isbarbar dhigeen dhibaatada qaxu leeyahay in ay dhaanto in la dhex socdo xabadaha iyo madaafiicda.

 

Haddaba lama saadaalin karo xaaladdu sida ay wax u dhic karaan, balse waxa cad in laysu middiyo afeysanayo markale.

 

 


--
Aden Hassan Bashir
Hiiraanpost
Beledweyne

Sunday, August 23, 2009

XAALADA CAKIRAN EE HIIRAAN KA TAAGAN


Hiiraan waxaa ka taagan xaalad aad u cakiran tasoo dhalisay in deganaasho la'aan joogto ah oo uu gobalka ka bixi waayey.

Fadlan reeb figradaada iyo sida ugu haboon ee loo badbaadin karo shacabka Soomaaliyeed.

Halkan ku reeb

Saturday, July 18, 2009

BALAD WEYN OO DEGAN IYO DHAAWACII MALEESHIYADA

Hiiraan Post:
Balad weyn ayaa degen , kadib dagaalkii ay ku soo qaadeen maleeshiyo Al-shabaab dabada ku hayso.
Ciidanka gobalka oo diyaar ahaa ayaa si buuxdo isga caabiyey.
Sida na soo gaartay in maleeshiyadii gadaalka soo qaaday uu gaaray dhib dhan 4-6 dhimasho ah, sidoo kale hal qof oo dhaacaw ah oo laga qabtayna waxaa la soo dhigay isbitaalka Balad Weyn.
Habeenimadii ayey magaalada ku soo qaraaceen hoobiyo laman yaqaan dhibka uu geystay hoobiyahaa.
Ciidanka gobalka waxaa ka dhaawacmay labo qof oo ka soo jeedo gobalka Hiiraan qabiilaka ugu waaweyn, ciidanka dhaawaciisa inata uu dhan yahay la yaqaan.

Duqeyda iyo waxgaradka oo markii hore diidanaa in maleeshiyadaa laga saaro Balad weyn ayaa si wada jir ah u can baareyey duulaanka iyo dhibka ay geysteen.
Maleeshida duulaanka soo qaaday ayaa u badan dad aan degaan ku aheyn Hiiraan, waxaana hogaamineyey nin lagu magacaabo Qoorey.

Hiiraan post

Friday, July 17, 2009

BALAD WEYN OO ISKA CAABISAY ..

Hiiraan Post:
Ciidanka dagaalka ku soo qaaday B/weyn ayaa dharbaaxin weyn kala mulkan miidamada gobalka Hiiraan.
Dagaalka ayey ka qeyb galeen gawaarida loo yaqaano Beebo oo ciidamada maamulka wateen.
Dagaalka ayaa qaatay waqti gaaban ka dib markii awood loo sheegtay maleeshiyadii weerarka soo qaaday, ciidomo lixaad oo badan ayaa ku sii socday halkii ay u baxsadeen iyadoo lafilayo in ay ku sii dhawaanayaan Buulo Burto.

Maleeshiyda al-shabaab ayaa uu hogaaminayey nin lagu magacaabo Qoorey.
Magaalada ayaa degan ciidanka maamulka ayaa ku hayo nibad gelyada magaalada oo dhan.
Maleeshida ayaa ba neysay meelihii ay duulaanka ka soo qaadeen
Hiiraan Post

XAALADA DAGAALKA BALAD WEYN

Hiiraan Post:
Xisbu diineetka uu hogaamiyoHassan Daahir ayaa wax yar ka hor usku dayey in ay qabsadaan xabsiga kuyaalo magaalada Baladweyne si kedib ah.
Ciidankii xabsiga iyo dhalinyo ka soo jeeday degaanka ayaa ka saaray halkii ay isku dayayeen in qabsadaan.

Dagaalka ayaa haatan u gudbay fasiisamidii ay horay ugu soo duuleen oo dib ayaa loo caabiyey, rasaasta ayaa haatan ka dhaceyso qoraxsinka magaalada balad Weyn buundad sariiraale.

Ilaa haatan lama yaqaan dadka ku wax yeeloobay dagaal xiriirka waxaa lala yeeshay ciidanka dagaalka ku jiro.
Wixii soo kordho waan idinla soo socod siin doonaa insha allaah
Mohamed Keinaan

WAR DEG DEG AH !!!!

Hiiraan Post:

GUDAHA BALAD WEYN OO UU DAGAAL XOOGAN KA SOCOTO, DAGAALKA AYEY AL SHABAAB WEERAR KA SOO QAADAY JIHOOYIN BADAN OO MAGAALADA GUDAHEEDA, DHINACA JANTA UU U MUUQDO MID UU SAN DAGAALKA JIRIN.

WAREYSIGII UGU DAMBEEYEY AYAA LAGU SHEEGAY IN AAN LA GARAN IN DHIBKA IYO GADAALKA DHAN YAHAY.

Tuesday, July 14, 2009

Somali gunmen kidnap two French security advisers

Hiiraan Post:
MOGADISHU (Reuters) - Somali gunmen stormed into a Mogadishu hotel on Tuesday and kidnapped two French officials working as security advisers for the Somali government, witnesses and officials said.

Wararka qaar ayaa sheegayo in labo nin oo faransiis ah laga afduubtay Hotelka Saxafi,ninmakaan ayaan aheyn sida ay sheegeen shabakadaha Jowhar iyo Shabelle, Reuters ayaa cadeysay in labadaa in ay yihiin la taliyaal xaga nabad gelyada.
"They were security consultants who arrived in Somalia to train State House security guards, not journalists," the official said"

Wasaaradav arimha dibada ee Farinsiiska ayaa sheegay in labaa nin ay ahaa yeen lataliyaal iyo tabarayaal waardiyaasha nabad gelyada kuwaa loo badinayo in ay dowlada u socdeen.
Wasaarada ayaa sheegtay in labadaa nin ay ku socdeen arimo dowladeed.
Maamulaha Hotelka Mohamed Hassan Gaafaa ayaa sheegay in niman hubeysay ay soo galeen gudaha hotelka ka dibna ay u gudbeen halka ninkaa ay deganaayeen.
Dableyda wax afduubatay ayaa xirnaa dereeska dowlada mid shaabaho.
Hiiraan Post