Sunday, September 28, 2008

Gargaarkii Jaaliyada hiiraan ee Finland

Hiiraan Blog.
Hiiraan Community Development Finland.
Deeqo lacageed oo ka badan 2000€ ayaa la gaar siiyey gobalka hiiraan taasoo lagu gargaarayey dadkii ku dhibaasteesnaa gobalka hiiraan.
Kaarl madaa waxaa bixiyey jaaliyada Soomaaliyada ee ka soo jeeda gobalka Hiiraan.

Sidii loo istismaalay dhaqaalaha iyo xaalada dib ayaa u soo sheegi doonaa.

Sunday, September 14, 2008

Ciidamada Ethiopia oo ka baxay gudaha B/ Weyn.

Shebelle: BALADWEYNE
Ciidamada Ethiopia ayaa xalay gabi ahaanba isaga guuray Fariisimaha ay ku lahaayeen magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Abaaro 12-kii Saqdii dhexe ee xalay ayaa shacabka ku nool magaalada Baldweyne waxaa ay mar qura ku soo baraarugeen iyadoo ay haawanahayaan goobaha ay magaalada Balaweyne ka daganaayeen ciidamada Ethiopia kuwasi oo la sheegay In ay u ruuqaansadeen dhanka Buurta Janta Kun Dishe oo 5-Km kaga beegan dhanka Barri magaalada Baladweyne halkaasi oo ah Fariisinta ugu weyn ee Ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Hiiraan Blog.
Waxaa waqtigan loo baahan yahay in gargaar deg deg ah la gaaro shacabka reer hiiraan.

Wednesday, September 10, 2008

Xarunta agoontan Hiiraan ee B/ weyn

Hiiraan Blog.
Walaal wixii aad u awoodo Agoontan ugu hagaaji koonta looga furay Xawaaladda Amaana xarunta dhexe ee DUBAI. Koonto nr. 2002-0017 ama riix halkaan